Farmaajo oo ammaanay is-afgaradka Rooble iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhexmaray xukuumada waqtiga ka dhacay iyo Midowga Musharaxiinta.

War qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu bogaadiyey "doorka wax ku oolka ah" ee ay heshiiskaas ka dheeleen xukuumada iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka".

"Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan," ayuu tibaaxay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo xiray: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo".

Heshiiskaas ayaa kaliya ku saabsan dhacdooyinka 19-kii Febraayo oo xukuumadda raaligelin ka bixisay iyo in mudaaharaadka Midowga Musharaxiinta u qorsheysanaa maanta dib-u-dhacay noqon doonana mid nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM