Farmaajo oo cambaareeyay weerarkii is-qarxinta ahaa ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM