Farmaajo oo cambaareeyay is-miidaamintii Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey "qarixii argagixisanimo" ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weyday weerarkaas is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaas ka badan.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ah taliyeyaa, mas'uul hore, ilaalada ra'iisul wasaaraha iyo shacab ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Ururka 6-aad ee guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa difaaca, nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna," ayuu Farmaajo yiri.

Farmaajo ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM