Hadalo "deel-qaaf ah" kana soo yeeray Farmaajo oo la cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku cambaareeyay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo hadaladii uu ka jeediyey xiritaanka shirkii arrimaha doorashooyinka 2020-21.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo shir jaraa'id ku qabtay caasimadda Muqdisho ayaa ku tilmaamay hadaladaas "kuwa meel ka dhac ah ku ah" mansabka madaxtinimo ee waddankan soo kabanaya uu ka hayo.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo "deel-qaaf" ku qeexay mar-marsiyada madaxweynaha ee ah in uu ka tanaasulay doorasho qof iyo cod ah ayaa ku eedeeyay in mudadii xafiiska joogay uu ka shaqeynayey kororsi.

Warsame oo soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxdey shirka dowlada iyo maamulada ee Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiskaas uu dalka ka badbaadiyey xaalad qalafsan oo uu geli lahaa kala guurka dartiisa.

"Farmaajo wuxuu ka tanaasulay muddo kororsi, oo ka shaqeyneyay muddadii uu joogay, isagoon doorashada qof iyo cod hal tallaabo dhankeeda u qaadin intii uu joogay. Sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada waa iney xaqiijiyaan meel marinta hishiiskaan," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-ga.

Madaxda dowlad goboleedyadda oo uu ugu baaqay in aysan Muqdisho ka tagin illaa heshiiskaas uu dhaqan-gal noqdo ayuu xusay in ay uga cudur-daarayaan erayadaas kasoo yeeray mas'uulka ugu sareeya ee waddanka.

Baarlamaanka federaalka ah oo loo gudbin doonaa heshiiskaas si ay u meelmariyaan isla markaana dowlada iyo maamulada ay fuliyaan ayuu ugu baaqay in ay ansixiyaan maadaama xilliga uu gabaabasi ka yahay.

"Eeda in doorasho qof iyo cod la qabto xukuumaddaa iska lahayd, dowladda uu madaxweynaha hogaaminayey ayaa iska lahayd, sidaas daraadeed, fashilka mas'uuliyaddaas qayb haka noqonina una diyaar-garooba in dalka uu doorasho u dareero oo wax caqabada aadan ku noqonina heshiiskaas," ayuu xusay.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga wuxuu dhacayaa November, 2020, halka Farmaajo uu ka dhamaanayo bisha Febraayo sanadka dambe 2021.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey casho sharaf lagu soo xiray wadahadalo Muqdisho ayaa shaaca ka dhigay in uu doorasho qof iyo cod ah uga tanaasulay; in qaranka aanu kala go'in iyo in aysan imaanin faragelin shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM