Farmaajo oo carqaladeynaya furitaanka shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu carqaladeynayaA wadahadaladda xalka waara loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya, sidda ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Farmaajo ayaa saddexda maamul ee taabacsan [Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle] wuxuu ku riixayaa in aysan kusoo biirin dhigooda ku sugan Muqdisho si wadaxaajoodyada u bilowdaan.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana Axada maanta ah ay Muqdisho kula kulmeen Midowga Musharaxiinta iyaga oo kala hadlay xalka khilaafka doorashadda.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug – Laftagareen iyo Qoor-qoor – ayaa haatan ku sugan Turkiga. Warar kala duwan oo ay kamid tahay in ay todobaadkan soo gaarayaan magaala madaxda dalka ayaa kasoo baxaya, wallow aan rasmi ahaan la xaqiijin karin.

Tafaasiisha ayaa intaas ku daraya in hogaanka maamulada u jaranjeera Villa Soomaaliya ay doonayaan in wadaxaajoodyadda oo ay Beesha Caalamka qaban-qaabisay aysan ku qabsoomin xerada Xalane –halkaasoo loo maciin-biday sababo dhanka ammaanka ah awadeed.

"Farmaajo wuxuu Beesha Caalamka u sheegayaan in waxa khilaafka kala dhaxeeya uu yahay hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland iyo in shirka uu kaliya noqdo mid xaflad ah oo lagu saxiixayo heshiiskii hore isaga oo iska indha-tiraya walaaca dhanka ammaanka doorashooyinka iyo dhamaadka muddo xileedka dowladda," ayay GO u sheegeen illo wareedyo.

Xagal-daacinta uu Farmaajo ku waddo qabsoomida shirkan masiiriga ah waxaa horey uga digay daneeyeyaal ay kamid yihiin Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshadda Rayidka iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka digay in hadii is-mari-waaga sii daba-dheeraado horseedi karto khalkhal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM