Farmaajo oo diray fariin ku saabsan maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM