Madaxweyne Farmaajo oo "doonaya" in uu ka baxo heshiiskii Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in uu ka baxo heshiiskii maamulada kula galay Dhuusamareeb, isagoo adeegsanaya guddoonka Golaha Shacabka, sidda uu maanta shaaciyey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in talaabadan ay ahayd wax laga filayey madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoonka Aqalka Hoose in ay meelmarinayaan qorshaha Villa Soomaaliya oo ah muddo kordhin, arrintaas oo ay si weyn uga digeen xisbiyadda.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan ka jawaabin eedeymaha Warsame oo kamid ahaa murashaxiintii Farmaajo kula tartantay doorashadii qabsoontay sanadkii 2017-kii.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Guddoonka Golaha Shacabka ( guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo. Waa mid laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba.

Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido.

Ujeedka ugu wayn ee Guddoonka Golaha Shacabka waa in la burburiyo natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamarreeb oo ay Soomaalidu iyo beesha caalamka taageereen, gaar ahaan Dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxey kaloo doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka lagu balansanyahay 15-ka Agoosto oo isla Dhuusamarreeb ka dhici doona.

Tani waa billawgii dhammaadka Golaha Shacabka. Intii rajada ka lahaydna, maanta ayey ka quusan doonaan oo ay si buuxda u taageeri doonaan shirka Dhuusamarreeb.

Waxaana halkaas ku soo afjarmaya doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Soomaaliyeed ogaayeen in ay aheyd oraah xaq ah, laakiin marin habaabin loola jeeday. كَلِمَةُ حَقٍّ يُرَادُ بِهَا بَاطِلٌ‎.

Shaki iigama jiro in shirka Dhuusamarreeb uu guulaysanayo, Waxaanse ka cabsi qabaa in xildhibaanno badan oo fursad doorasho soo heli kara ay ku lug go’aan marinka qaldan ee Mursal iyo Muuddeey.

Haddii fawdaddii iyo gacan taag ku ridistii beenta ahayd loo laabto, waa qof walba taagtii iyo taageeradii, wixii xasilooni dari iyo qalaalse ah ee uu dalku galo masuuliyadeeda Madaxweynaha, Mursal iyo Muudeey ayaa dusha u ridanaya.


Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse in aan la fulin halbeegyaddii muhiimka u ahaa sidda amniga, shuruucda iyo heshiis siyaasadeed waxaa caqabadaha ku geedaaman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM