Farmaajo oo eedeyn loo jeediyey kahor shir-madaxeedka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mas'uul ka ahaa burburka ku yimid Shirka Amniga Qaranka ee lagu wadday in uu ka dhaco Muqdisho, sidda uu shaaciyey Senator.

Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in hogaamiyaha dalka uu ku fashilmay in uu fuliyo is-afgaradyadii uu maamulada la galay.

Is-afgaradyaddaas oo lagu gaarey kulan dhanka Internet-ka ah oo madaxda dowladda iyo kuwa maamulada yeeshaan ayaa ku saabsanaa in la hakiyo dooda xeerarka doorashooyinka Qaranka.

Xeerarkaas oo Aqalka Hoose ku meelmariyey qaab hal dhinac ah ayaa kala ah; Metelaada gobolka Banaadir, Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka iyo goboladda waqooyi.

"Fulin-waada waxay ka timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo fulin waayey wixii uu u balanqaadey madaxda maamuladda; waa qodobada laga dhigay afarta xeer ee aan waafaqsaneyn dastuurka dalka," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Kadib markii Madaxtooyadda ixtiraami weyday is-afgaradyaddaas, Puntland iyo Jubbaland ayaa si furan u qaadacay shir-madaxeedkaas.

Beesha Caalamka oo dedaalo hoose bilowday ayaa ku cadaadineysa madaxda Soomaalida in ay heshiiyaan kahor inta uusan baarlamaanka ka doodin talaabada xigta ee loo qaadayo coddeynta 2020-21.

Dhinaca kale, mudanaha oo bogaadiyey shirka lagu waddo in ay yeeshaan madaxda maamuladda dalka ayaa rajeeyay in uu noqdo mid xal u horseeda khilaafka siyaasada dalka.

Shirkaas ayaa 9-ka bishaan oo ku beegan Khamiista berri ah wuxuu ka dhacayaa Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, halkaas oo wafuuda hogaamiyeyaasha dowladda goboleedyada ku qulqulayaan.

Mawduuca ugu weyn ee aadka looga doodayo siyaasadda Soomaaliya waa doorashooyinka soo aadan oo mugdi galay kadib baaqashada shirka amniga, balse waxaa rajada soo nooleyay kulanka Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM