Farmaajo oo eryay taliye ku xigeenkii milatariga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Madaxtooyadda Qaranka ayaa si rasmi ah u baahisay xil ka qaadista uu sameeyay madaxweynaha, maanta oo Khamiis ah 20-ka Febraayo, 2020-ka.

Qoraalka Villa Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaanan lagu shaacin sababta ka dambeysay in la eryo Bariise.

Balse, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Farmaajo uu talaabadan qaadey "markii uu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo ciidanka tayeyn iyo qaabeyn joogta ah".

‪"Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah," ayuu raaciyey bayaanka oo ku taariikheysan 20-ka Febraayo, 2020.

Bariise, oo aan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaa jagadaan loo dhiibay bishii October 10-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo ciidamada Soomaaliya waxaa soo maray hogaan kala duwan, taasoo dadka naqdiya siyaasada xukuumada u arkaan mid "caqabad ku ah tirtirka Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM