Farmaajo oo fariin loo diray xilli shaki laga muujiyey shaqadda uu hayo
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Farmaajo waxaa laga yaabaa in uu sirdoon yahay balse lama ooga cidda uu u shaqeeyo, sidda uu tuhunsan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sharaxaad wuxuu ka bixiyey sababta ay si joogta ah mucaaradka uga hadlaan arrimaha doorashooyinka.
"Qayladeena waxay ku ekaan doontaa in dareenkeena aan muujino kaliya. Annaga dareenaa leenahay dannaa ka leenahay dalka, doorashada in aan qeyb ka noqon ayaan rabnaa," ayuu u sheegey telefishinka Universal.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray: "Xoolaha ul ayuu isku afgartaa, bini'aadamkana hadal. In aan hadalno oo aan muujino dareenkeena waa shey dabiici ah. Iyo waxa aan ka qabno doorashadda".
Mar uu soo hadal-qaadey qadiyada guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay, siyaasiga ayaa tibaaxay in ay kaliya goobayaan koox aan dhinac u jaranjeerin.
"Kaliya annaga waxaan leenahay madaxweynaha kalsooni ha is-geliyo. Annaga dhihi mayno dadka guddiga doorashadda Zimbabwe iyo Mareykanka ha laga keeno – in ay xun yihiin iyo in ay fiican yihiin maba ahan waxa la isku hayo – dadkani [xubnaha guddiyadda lasoo magacaabay] dhinac ayay ku xisaaban yihiin," ayuu xusay.
Warsame ayaa sheegay in hay'adda nabad-sugida ay si weyn ugu milantay ololaha doorashada Farmaajo iyo soo xulista mudaneyaasha cusub isla markaana qof walba uu doonaya in uu Xildhibaan noqdo lagu hubinayo xarunta NISA.
"Lacagtii Qadar laga soo qaadey ee Xildhibaanka lagu soo saaraayey meesha ayay taalaa, dadkii tartanka galaayey ee murashaxnimada ka qeybgalaayey meesha ayaa laga soo wada xaadirinaayaa; hadda waxaa fiican nabad-sugida in ay xisbi furato oo la yiraahdo Xisbiga Nabad-sugida Qaranka Soomaaliyeed oo tartanka ka qeybgalaayo in uu jiro waaye," ayuu si adag kaga dhawaajiyey Warsame.
Siyaasiga ayaa intaas ku daray: "Annaga xataa waxaan shaki ka qabnaa cidda uu u shaqeynaayo kan hadda madaxweynaha sheeganaya ee meesha fadhiya xataa in uu nabad-sugid yahay ayaan aaminsanahay oo ninkaa cidda uu u shaqeynaayo aanan la aqooninba sababtoo ah meesha waxaa ka furan xisbi nabad-sugid la yiraahdo oo wax walba isaga lagu aruurinayo".
Doorashooyin aysan ku qanacsaneyn murashaxiinta ayuu carabka ku adkeeyay in aysan ka qabsoomin doonin waddanka isagoo madaxweyne Farmaajo xusuusiyey in ay laba bilood u hartay isla markaana waqtiga uusan ka dhamaan.
Muddo xileedka xukuumadda haatan jirta ayaa dhamaanaya bisha Febraayo 8-deeda, halka baarlamaanka federaalka uu ka dhici doono bisha soo aadan ee December. Iyaddoo waqtigi soo dhawaadey, haddana ma jirto qaban-qaabo doorasho.
GAROWE ONLINE