Farmaajo oo fariin tacsi ah u diray madaxweynaha Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu yiri Farmaajo sida laga soo xigtay qoraal xafiiskiisa kasoo baxay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh".

Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Dhinaca kale, maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ee Somaliland gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka oo la aasay.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay murugada iyo tiiraanyada la wadaageyso dhamaan shacabka Jabuuti gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha maamulka Garowe, ayaa xusay in uu rajeynayo in EBBE uu marxuumka u fufudeeyo su'aallaha qabriga kuna abaalmariyo Janatul Firdowsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM