Farmaajo oo gacan-yaraha Fahad ka dhigaya madaxa hay'ada NISA

Image
Cabdiraxmaan Dheere ayaa dhowaan waayey kursiga xubinimada Golaha Shacabka ee #HOP124.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar laga helayo Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Farmaajo qorsheynayo inuu agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya u magacaabo Cabdiraxman Dheere.

Cabdiraxman Dheere oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa ahaan jirey xildhibaan ka tirsanaa aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya balse xiligaan degaan doorashadiisa Jubaland looga diidey in dib looga soo doorto.

Hogaanka Jubaland ayaa lagu waramay in ay Cabdiraxmaan Dheere u ciqaabeen "taageeradiisa hagar la'aanta ahayd ee xadgudubyada shantii sano ee lasoo dhaafay uu geystay maamulka Farmaajo".

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa kursiga uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere oo summadiisu ahayd HOP124 wuxuu siiyey nin lagu magacaabo Maxamed Nadiif.

Mr Dheere oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga wuxuu ku caddeeyay in uu taageerayo doorashadda Mr Nadiif wallow uu u muuqdo mid ay aayuhu bideen.

"Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Maxamed Nadiif xildhibaanka cusub ee iga badeli doona kursiga Hop#124 oo aan muddo ugu adeegayey bulshada kursiga lahayd, deegaanka iyo dalka. Waxaan ballan qaadayaa inaan la garab istaago hiil iyo hoo si uu ugu guto waajibkiisa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mr Dheere oo horey uga mid ahaa maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka maamulayey isku-dayadii Farmaajo iyo Fahad u sameeyeen in ay isbedel dhanka hogaanka ah ka sameeyaan Jubaland, go'doomintii maamulkaas ee sababtay dhimashada hooyooyin xaamilo ahaa iyo duulaankii gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM