Farmaajo oo garoonka Aadan Cadde kula shiray wafdi Ameerikaan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan lataliyeyaasha ammaanka iyo doorashooyinka ayaa garoonka Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo AFRICOM.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen kulanka.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo dhinacyadda kasoo saareen shirkooda. Xiriiro uu la sameeyay warsidaha Garowe Online kama jawaabin.

Kulankaan ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii Washington ay calan casaan ah u taagtay musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga wadanka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga uu hagal-daacinayo in masiirka nabad-gelyada Soomaaliya ay noqoto mid la isku haleeyo.

Sidda laga soo xigtay qoraalka safaaradda, dadka Soomaalida waxay u qalmaan in ay helaan hay'addo ammaan oo aan u jilcaneyn cadowgooda.

"Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeynta hay'addaha ammaanka taasoo mustaqbal ifaya u horseedeysa Soomaaliya iyo Soomaalida. Musuqmaasuqa iyo nin-jecleysiga wuxuu carqaladeynayaa horumarka dib u habeynta, wuxuuna wiiqayaa ammaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xoojinayaa awooda cadowga Soomaaliya," ayay tiri.

Hase ahaatee, safaaradda waxay ku guuldareystay in ay soo bandhigtay dhacdooyinka ay qoonsatay ee talaabooyinkan lagu saleeyay.

Walaacaan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu Taliska Ciidamada Milatariga ka dhex-socday shaqo ka eryid, ruqseyn, dalacsiin iyo belelaad "dhamaantooda ku saleysan dano siyaasadeed oo shakhsi ah".

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in shirka ka dhacaya madaarka Aadan Cadde diirada lagu saarey xal u helida arrimahaas, qabsoomida doorasho ku dhacda si nabad ah iyo la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamida dalalka Soomaaliya ka caawiya la dirirka argagixisada, dhismaha dowladnimada, kobaca dhaqaale iyo arrimaha bini'aadanimada, balse wuxuu ka gaabiyey in uu madaxda kula xisaabtamo dhaqaalahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM