Farmaajo oo hortegaya baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtida berri ah wuxuu hortegayaa Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidda ku xusan qoraal loo diray Xildhibaanada.
Sidda laga soo xigtay wargelintaas uu nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Farmaajo ayaa wuxuu jeedin doonaa khudbad.
"Mudane Xil Beri oo Sabti ah Tar 15 Aug, waxaa jira Kulan weynihii Golaha. Agendaha; 1. Warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka Saacadu waa 09:00 subaxnimo," ayaa lagu yiri qoraalka.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan hadal-jeedinta oo kasoo baxay dhanka Villa Soomaaliya, wallow ay xaqiijisay tagitaanka madaweynaha. Sidoo kale, waxaanan laga ogeyn qodobadda uu hadli doono.
Balse, waxaa ay kusoo hagaageysaa iyaddoo qorshuhu ahaa in maalinta berri ah uu caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga saddexaad ee shirka looga arrin-sanayo nooca doorashooyinka 2020-21.
Hadal-jeedinta madaxweynaha ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysaa iyaddoo si weyn looga sugayo magacaabida ra'iisul wasaare cusub kadib eryidii Xasan Cali Khayre ee isla golahaan ku sameeyay 25-kii July.
Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa sheegay in fadhiga uu Farmaajo codsaday dabana socdo hadalkii uu ka sheegay shirkii Dhuusamareeb 2 ee ahaa in uu baarlamaanka xog-siinayo.
Illo wareedyo ayaa horey u xaqiijiyey in dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka Dhuusamareeb 3, balse, ma jirto waqti kale oo dhinacyada ku balameen.
Kulan-madaxeedkan ayay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda ku balameen shirkii Dhuusamareeb 2, iyaddoo warbixin ka sugayey guddi farsamo oo ay u saareen talobixinta nooca coddeynta.
Isbedelo ay Villa Soomaaliya riixdey oo ay kamid tahay la eryay xukuumadda ayaa dhacay kadib shirkaas, talaabadaas oo maamulada qaar iyo mucaaradka ku qeexeen isku day fashilinta is-arragga xiga.
Daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iyo dadweynaha ayaa aad uga dhowr-sagaya natiijadda shirkaas, iyaddoo rajeynaya in uu dhalo max-suul wanaagsan.
Bishii June ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii u dambeysay ee Farmaajo khudbad ka jeediyey Aqalka Hoose, waqtigaas oo uu furmay kalfadhiga golaha; mudaneyaal ayaana kolkaas ku ooriyey madaxweynaha.
GAROWE ONLINE