Farmaajo oo iclaamiyey shir ay ka qeybgalayaan maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa martigelin doona munaasabad lagu saxiixayo soojeedintii guddiga farsamadda ee ku shiray caasimadda Koonfur Galbeed ee Baydhabo, sidda ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda, kulankan oo hal maalin ayaa Muqdisho ka qabsoomaya 4-ta March, 2021, waxaana ka qeybgalaya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyadda.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir," ayay Viladdu tiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta," ayaa lagu soo xiray.

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka falceliyey dhawaqa Farmaajo ayaa ku tilmaamay mid Farmaajo uu iclaamiyey "isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista".

"Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista," ayuu kusoo qoray boggiisa Facebook-ga.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!".

Shaacinta kulankan ayaa kusoo hagaageysa saacado kadib markii Rooble iyo Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen laba guddi oo mid uu qaban-qaabinayo banaanbax ka dhan ah Farmaajo laguna dalbanayo doorasho daahfuran iyo guddi kale oo baaraya dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM