Madaxda Soomaalida oo mar kale ku kulmaya Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyey shir kale oo caasimadda Puntland ee Garowe ku dhexmaraya madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, wadahadaladda oo bilaananaya 15-ka Febraayo waxaa diiradda lagu saarayaa xal u helida khilaafka ka jira doorashooyinka 2020-21.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir," ayaa lagu yiri qoraalka

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Shaacinta Farmaajo ee kulankan ayaa ka dambeysay kadib dedaalo ay Beesha Caalamka sameysay maalmihii lasoo dhaafay kadib burburka wadaxaajoodyadii Dhuusamareeb.

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa xudun u ahayd fashilka shirka Dhuusamareeb waxaana Farmaajo uu tanaasul balaaran ka sameyn waayey is-mari-waaga ay Villa Soomaaliya abuurtay. Xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada la isku hayo waxay kamid yihiin arrimaha shirka hareyn doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM