Farmaajo oo "is-hortaagay" shirkii maamulada iyo Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in uu baaqdey shir lagu wadday in uu galabta Muqdisho ku dhexmaro madaxda maamulada iyo xubno kamid ah wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu waramay in uu maamulada taabacsan ku cadaadiyey in aysan xaadirin kulanka isla markaana uu soo jeediyey in ay kaliya kulmaan hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Dhabancad oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay hor istaagtay shir ay galabta ku ballansanaayeen Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada oo dhan.

"Inkasta oo aad loo sugayo shir-madaxeedka arrimaha doorashooyinka ee Xalane, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wali waa caqabada xal laga gaaro is-mari-waaga laguna qabto wadahadalka si loo dhan yahay," ayuu yiri.

Dhabancad ayaa ku daray: "Shir horudhaca ayaa qorsheysanaa in u dhexmaro dhamaan dhinacyadda la casuumay ee Beesha Caalamka iyo Dowladaha Xubnaha federaalka balse nasiib darro hogaamiyaha dowladda federaalka ah ayaa lagu waramay in uu qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah uu ka hor istaagay ka qeybgalka. Tani waxay dhaceysaa iyaddoo shalay dowladda federaalka ay xushmad darro ugu muujisay qoraal ay soo saartay doorka Wakiilada Beesha Caalamka".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka madaxda maamulada kale ee qorshuhu ahaa in ay kasoo muuqdaan kulanka iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Iyaddoo ku dhowaad muddo laba bilood ah uu xafiiska sii joogo isagoo muddo xileedkiisa uu dhamaadey, Farmaajo wuxuu wali diidan yahay saxiixa warqada in xilliga ka dhamaadey iyo ka qeybgalka shir guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM