Farmaajo oo ka dhuuntay su'aallo laga waydiiyey Qalbi-dhagax iyo ONLF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu si ku talagal ah wuxuu uga dhuuntay su'aallo laga waydiiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax iyo jabhada ONLF.

Su'aalahan Farmaajo ku adkaatay in uu ka falceliyo ayaa lagu hor-dhigay Barnaamij Dood ah kaasoo Machadka Daraasaadka Siyaasadda RAAS uu habeenkii Sabtida ku qabtay aqalka looga arrimiyo dalka ee Villa Soomaaliya.

Ka qeybgale wiil dhalinyaro ah ayaa ku dhiiraday in hogaamiyaha waddanka hor-dhigo su'aallahaan oo kala ahaa; Inta aadan tartamin liiska argagixisada maka saareysaa ONLF iyo raali-gelin ma siineysaa Qalbi-dhagax?

Bishii September 6-deeda, 2017-kii, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Jabhada Xoreynta Ogaadeeniya u aqoonsaday in ay yihiin argagixiso.

Farmaajo oo aan ka cudur-daaran in uusan ka jawaabi karin su'aallahaan ayaa ku dheeraaday in uu ka jawaabo su'aal ku saabsaneyd ammaanka gaar ahaan fashilka balanqaadkiisii ahaa in uu laba sano kaga adkaanayo Al-Shabaab.

Kadib markii laga soo qabtay koonfurta Gaalkacyo, lagana soo dejiyey caasimada Muqdisho halkaasoo xabsiga nabad-sugida lagu hayey maalmo, Qalbi-dhagax ayaa loo duuliyey magaalada Baydhabo oo Itoobiya looga sii gudbiyey.

Baarlamaanka oo kasoo horjeestay dhiibista muwaadinkaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay "talaabo bar madow ku noqoneysa dowlada Farmaajo".

Bishii Janaayo, 2020, taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa kadib markii xilka laga qaadey wuxuu raaligelin ka codsaday Qalbi-dhagax gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhiibitaakiisa.

Qalbi-dhagax oo cafiskaas ka falceliyey ayaa naqdiyey, wuxuuna carabka ku dhuftay "in uusan Sanbaloolshe u ekeen mid cudur-daar bixinaya".

Bishii June 28-keeda, 2018-kii ayuu Qalbi-dhagax dib u helay xorriyadiisa kadib cafis uu u fidiyey ra’iisul wasaare Abiy Axmed kaasoo isbedel ku yimaadey. Waqti xaadirkan isaga iyo jabhadiisa waa mucaarad ka jira Kalinka Shanaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM