Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay'adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM