Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay'adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM