Farmaajo oo la kulmay Yamamota xilli laga dalbadey in uu is-casilo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa qeybta nasashada garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho wuxuu maanta kula kulmay danjiraha dalka Mareykanka, Donald Yamamota.

Is-aragga oo dhacay kahor inta uusan hogaamiyaha waqtiga kasii dhacayo u dhoofin Dhuusamareeb ayaa diirada lagu saarey arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo shirka caasimada Galmudug.

Ma jiro qoraalo rasmi ah oo dhinacyada kasoo saareen shirkaas. Wararku waxay sheegayaan in Yamomota uu ku adkeeyay Farmaajo in uu ka shaqeeyo sidii kulankaas u noqon lahaa mid mirodhal ah.

Washington oo horey uga soo horjeesatay damaca Villa Soomaaliya ee muddo kororsiga ayaa ku baaqday in wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb dhaco, kana soo baxaan go'aano wax ku ool ah.

Beesha Caalamka oo dhankeeda hoosta ka xariiqdey ahmiyadda qabsoomida kulankaan ayaa xustay hadii uu burburo ay sii wiiqmeyso "kalsoonida jilicsan ee madaxda dowlada federaalka iyo maamulada".

Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyey baarlamaanka ayaa u muuqdey mid uusan wali mowqifkiisa iska bedelin marka laga hadlayo qodobka ugu weyn ee leysku hayo oo ah coddeyn qof iyo cod.

C/raxmaan Odowaa, mudane ka tirsan Golaha Shacabka ahna Xoghayaha Madasha Xisbiyadda, ayaa ku booriyey in uu Farmaajo is-casilo "maadaama uu ku fashilmay fulinta balanqaayadii ololaha doorashada".

Saddexdaas qodob oo ah bud-dhig u ahaa hadaljeedintiisa waqtigii uu murashax ahaa Farmaajo ayaa kal aah; dhamaystirka dastuurka, dhismaha ciidan qaran oo awood leh iyo doorasho qof iyo cod ah.

"Wadanka waxa uu hadda taaganyahay meel halis ah, sababtoo ah siyaasadda heshiis laguma aha, amnigana meesha uu gaaray waxaa tusaale u ah weerarkii Xabsiga Dhexe oo ah meesha Xamar ugu danbaysa oo laga filaayay Al-Shabaab in ay tagaan, dastuurka dhamaystirkiisana waa jug-jug meeshaada joog, dooorashadana warkeeda maba cadda ilaa hada," ayuu Odowaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Madaxweynaha waxaan kula talinayaa in uu iska casilo xilka uu hayo, maadaama uu ku fashilmay balanqaadyadii uu ummada Soomaaliyeed u sheegay 2017, si Soomaalidu aayaheeda kaga tashato. Hadii uu yeelayn oo uu kursigiisa jecelyahay, Dhuusamareeb in uu aado, kana shaqeeyo in doorashada heshiis laga gaaro. Nuuca doorashada ee lagu heshiiyana fuliyo, kana bixin marka uu Muqdisho ku soo laabto".

"Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in ay laab la kaca iska daayan oo madaxda beenta iyo faanka la soo shir tagta ay hadda kadib ka feejignaadaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Odowaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM