Farmaajo oo laga dalbadey in uu baajiyo safarada dibada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka dalbadey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu baajiyo safaradda dibadda, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Dalabka diblumaasiyiinta ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaadyadda, wuxuu salka ku hayaa xaaladda siyaasadda ee dalka wajahayo gaar ahaan is-mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka heer federaal.

"Xaaladda haatan ka jirta Soomaaliya iyo shirarka socda awgeed, bulshada caalamku waxay dalbatay Farmaajo inuu sii joogo magaalada Muqdisho isla markaana uu baajiyo safarkiisa dibada ee la qorsheeyay," ayay sheegeen illo wareedyo diblumaasiyeed.

Ma cadda hadii codsiga Beesha Caalamka uu kusoo hagaagay kadib markii ay heleen xogo ku saabsan in Farmaajo qorsheynayo in uu booqasho dibadda ah aado taasoo Madaxtooyadda Soomaaliya ay qarineysa.

Balse, warar ayaa sheegaya in Farmaajo uu qorsheynayo in uu dhowaan u socdaalo waddanka Itoobiya. Lama xaqiijin karo haddii dalabka Beesha Caalamka awadeed uu uga baaqan doono booqashadaas.

Dhanka kale, madaxwayneyaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii saddexaad wuxuu shir gaar ah uga socdaa gudaha xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane, iyagoo maanta qaabilay siyaasiyiinta goboalda waqooyi.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hogaaminayey siyaasiyiinta oo taladooda ku biiriyey qaabka xal looga gaari karo xaalada cakiran ee dalka ku jiro.

Hogaamiyeyaasha maamuladda ayaa si horudhac ah waxay isugu afgarteen in ay shirka Afasiyooni kawada qeybgalaan iyaddoo uu xaadirayo Farmaajo balse ay kaliya diiradda saarayaan ka heshiinta ajandaha shirka guud.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in madaxda maamuladda ay u badan tahay in ay maanta ka heshiiyaan ajandaha shirka loo dhan yahay kaasoo uusan wali caddeyn doorka ay ku yeelanayaan musharaxiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM