Farmaajo oo lagu booriyey in uu sharaxo hadal ka yimid xubno ku dhow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo Villa Soomaaliya ku howlan tahay in ay wadahadalo la gasho Somaliland, haddana waxaa arrintaas caqabad ku noqonaya lataliyeyaasha madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyneyaal hore iyo siyaasiyiin kale ayaa ku waaniyey hogaamiyaha dalka in uu caddeeyo mowqifkiisa ku saabsan erayadda kasoo yeeray qaar kamid ah lataliyeyaasha oo ka dhan ah Somaliland.

Cabdiqaadir Cosoble, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga Ileys, ayaa ku dhaliilay Farmaajo in uu wali ka aamusan yahay arrintaas.

"Madaxweynaha sidada caadada ahba wuu ka aamusaa arrimaha muhiimka ah, dadka ayuu u aadaayaa in ay ka hadlaan, waxaan sugeynay in uu hadlo oo uu yiraahdo sidaas ayaan doonayaan in aan ula heshiiyo walaalaheen Somaliland. Maalmahaan oo dhan waxaa hadlaayey la taliyeyaasha madaxweynaha oo lahaa sax bey ahayd in la duqeeyo Somaliland, qaar kalena waxay dhahaayeen xoogaa lagu soo qabanayaa, marka waxaan rabnaa madaxweynaha waxa lataliyeyaashiisu aaminsan yihiin miyuu aaminsan yahay mise wuxuu rabaa in uu Hargeysa ku tago isagoo saaran Abiy Axmed dushiisa?," ayuu yiri.

Dhinaciisa, Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ku booriyey Farmaajo in uu soo bandhigo aragtidiisa ku saabsan xasuuqii dowladii Siyaad Barre kula kacday goboloda waqooyi.

"Hadii leys leeyahay in dalka lagu xukumi karo Facebook iyo cajalad la jarjaray aniga ma u maleeynaayo in ay sidaas sax tahay," ayuu Sheekh Shariif ka sheegay munaasabad ka dhacay Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka, ayaa is-waydiiyey cidda Farmaajo kula taliso in uu tago Hargeysa.

"Somaliland arrinteeda waxay soo taagneyday soddon sano, markaa howl 30-sano tiilay ma sahlanaya in hal subax lagu soo afmeero. Dadkii dhibkaas dhexmaray oo illaa iyo haatan isaga imaan waayey oo xalin waayay anigoo nin kale diyaarad ila saaran yahay ayaan soo dhameynaya ma garanayo cidda madaxweynaha kula talisay. Lataliyeyaasha madaxweynaha warkoodaaba banaanka yeelo," ayuu xusay.

Wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad ku jira sanado. Hogaamiyeyaasha labada dhinac waxay horey u balanqaadeen in dib loo bilaabayo, balse ma aysan qaadin wax talaabo muuqda ah.

Dedaalada haatan bilowday ayaa waxaa dib boorka kaga jafay Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, wallow kaalintiisa ay su'aal geliyeen mucaaradka oo sheegay "in uu ku raadinayo magac" maadaama doorasho uu galayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM