Farmaajo oo lagu dhaliilay saxiixa kuraasta gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo wuxuu maalmihii ugu horeeyay ee xilheyntiisa afarta sano ee dastuuriga ah uu u saxiixay kuraasta gobolka Banaadir si uu isaga horkeeno dadka kuna abuuro caqabado siyaasadeed oo horleh, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa shaaca ka dhigay in madaxweyne Farmaajo uu ku guuldareystay in uu qabto doorashadda kuraasta Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo Soomaalida illaa hadda heshiis ku tahay.

"Heshiiska doorashadda wuxuu kasoo bilowday Dhuusamareeb I, II, iyo III; Muqdishaa ugu dambeysay oo lagu soo khatimay oo 17-kii September heshiiska lagu gaarey. Intaas oo dhan madaxweyne Farmaajo 13-ka kursi ee gobolka Banaadir kama hadal. Maanta oo la isku hayo qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii 17-kii September doorashadda in uu kusoo dhex-tuuro ama uu kusoo dhex-gamo 13-kursi siyaasadda dhexdeeda waxaan u arkaa aniga in ay tahay in uusan madaxweynaha ogoleyn in horey loo socdo, tilaab la qaado, doorashada la aado," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Isaga oo ka jawaabaya caqabada ka dhalan karta saxiixa 13-kan kursi, Warsame ayaa cod dheer wuxuu ku tibaaxay "waxay keeneysaa yaa dooranaya, yaa magacaabaya, see loo qeybinayaa? lama garanayo; Banaadir waxay u baahan tahay maqaam kahor metelaad. Maqaamkeeda muxuu yahay, Maqaamkii gobolka Banaadir aaway, Ma dowlad goboleedaa, Ma gobolaa, Ma caasimadii loo deynayaa? Aaway maqaamkeedii?

Wasiirkii hore ee qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa ku nuux-nuuxsaday in aysan aqbali karin in dib loo furo heshiiskii 17-kii September, qorshahaas oo Farmaajo ka damacsan yahay saxiixa kuraasta gobolka Banaadir.

"War maqaamka wadduu leeyahay lagu keeno waa caddahay waxaa laga rabaa guddoomiyaha gobolka ee magacaaban in uu [geedi-u-socodkeeda] bilaabo. Waad ogtahay guddoomiyihii kan ka horeeyay Taabit Cabdi waxaa xilka looga tuuray in uu bilaabay process la yiraahdo maqaamka Muqdisho; maalintii la ogaadey madaxweyne Farmaajaa xilka ka racdeeyay. Mayor dhan oo process-kii bilaabay maqaamka Muqdishaa xilka looga qaadey," ayuu xusay.

Musharax madaxweyne ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo xiray: "Hadii Muqdisho la rabo xilligii munaasabadka ayaa loo qaban lahaa, laakiin ciyaartii oo daqiiqadihii ugu dambeeyaa soo tuuraa bomb F one ah; waa qarin siyaasadeed waaye madaxweynahana mas'uuliyad darro ayuu muujiyey 329-kii kursi ee heshiiska lagu ahaa meel haku sheego sidii loo qaban-lahaa doorashadeeda".

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in metelaada gobolka Banaadir ay ka horreyso in la caddeeyo maqaamka caasimada Muqdisho isla markaana ay qaraar wadajir ah kusoo jeedinayaan mudaneyaasha labada gole ee baarlamaanka federaalka kuwaas oo waqtiga uu ka dhamaadey haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM