Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu "xujo" la tegay shirka Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanka madaxweyne Farmaajo uu qaatay ee ah in uu baarlamaanka kusoo celinayo heshiis uu kusoo gaaro Dhuusamareeb 3 waa xujo ee ma ahan xal, sidda uu sheegay taliyihii hore ee hay'adda NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo garan og-yahay Sanbaloolshe ayaa horey u soo noqdey Xildhibaan iyo danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay kalsooni kala noqoshadii Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Farxad ayuu ka muujiyey riditaankii Khayre, isagoo cuskaday in uu goobjoog ka ahaa eryida mas'uuliyiin kale; casharka laga baran karo ayuu ku qeexay in siyaasada lagula jiri karin "indha-sarcaad, booto iyo been abuur".

Madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer ku rajeeyay "in uu ka shalaayo" xil ka qaadistii ra'iisul wasaarihiisa oo uu ku qeexay "in ay ahayd inqilaab".

Farmaajo oo Sabtidii ka hadlay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in uu ka qeybgalayo wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, balse wuxuu xusay in uu golaha go'aan ka gaari doono heshiis walba.

"Madaxweynaha marka uu leeyahay baarlamaanka shirka Dhuusamareeb wixii kasoo baxaa keenayaa; heshiisyadda uu Qadar lasoo galo ka keeno, kuwa uu Kenya lasoo galo ma keenyo oo kuwa uu Mareykanka lasoo galo ma keenyo oo kuwa uu shirkadaha shidaalka lasoo galo ka keenyo; marka dad Soomaaliyeed uu la hadlayo oo waliba mashruuc siyaasadeed oo qasab ay tahay in laga heshiiyo uu baarlamaanka ula soo noqonaayo xujo ayuu ka wataa ee kama wato," ayuu Sanbaloolshe ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka Dalsan.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa hadaljeedinta madaxweynaha ku sifeeyay mid muujineysa in uu wali ku taagan yahay mowqifkiisa qof iyo cod ah, in uu jilay mid u naganugul Xildhibaanada iyo in uu ku tuntay dastuurka KMG ah.

Dhinacyadda ku doodaya in Farmaajo baalmaray dastuurka waxaa kamid ah Aqalka Sarre, waxaana ay cuskanayaa qodobka kusoo laabashada Aqalka Hoose xilli Hay'addaha Sharci-dejinta waddanka ay yihiin laba gole.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 15-ka bishaan August oo ku beegneyd maalintii shalay ee Sabtida ahayd, hase ahaatee, waxaa ku yimid dib u dhac xilli weli aysan caasimada Galmudug ka degin wafuuda qaar.

Dowladda Puntland ayaa ka qeybgalka shirkaas waxay shuruud uga dhigtay; in lasoo magacaabo ra'iisul wasaare iyo wakiilada Beesha Caalamka "si ay u damanad qaadaan in ay dhaqan-gelayaan go'aanada kasoo baxa kulanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM