Farmaajo oo lala xiriiriyey boob ka dhan ah dhul dan guud
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku lug leh boob ka dhan ah dhul dan guud ah oo ay doonayaan in ay qabsadaan ganacsato qeyb ka ah ololihiisa dib-u-doorashadda, sidda uu sheegay Xildhibaan Golaha Shacabka.
Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa cambaareeyay burburin ay xarunta dugsiga Hoyga Xamar kula kaceen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan booliska.
"Aad ayay ayaan darro u tahay in iskoolka Hoyga Xamar la burburiyo saakay afartiii aroornimo iyadoo lagu fasaxay ciidammo. Dhulka la burburiyay waxaa lahaa Wasaaradda Waxbarashada Somalia, waxa ay ka soo saartay warqad ay uga soo horjeeddo burburinta hantida wasaaradda," ayuu yiri.
Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Dhulka waxaa loo burburiyay ganacsato ay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmaajo gacan saar leeyihin kana qayb ah dib u doorashadiisa. Waxaan ku baaqayaa in loo hogaansamo codsiga wasaaradda, lagana celiyo dhulka dadka boobaya".
Falcelinta taliska booliska
Is-qabqabsiga dhulka iskuulka Hoyga Xamar oo taagnaa bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa burburintiisa waxay kusoo hagaagtay maalmo kadib marii maamulka iskuulka uu qaylo-dhaan hawada mariyey isla markaana uu codsaday in dowladda ay "ka dhiciso ganacsatada u adeegsaneysa shaarka dowlada".
Taliyaha booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xuseen Xijaar oo tegay kormeeray iskuulka, ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono askartii falkaas ka dambeysay, isaga oo ganafka ku dhuftay in dowladda ay amartay burburinta iskuulka.
Ciidamadda burburiyey qeyb kamid ah dugsiga Hoyga Xamar ayaa sidoo kale waxay xireen qaar kamid ah macalimiinta iyo maamulka iskuulka. Sidoo kale, waxay barakaciyeen arday waqtigaas ku sugneyd xarunta waxbarasho.
Sidda ay warbixinadda qeexayaan, Jeneraal Xijaar ayaa xilka ka qaadey Taliyihii Qeybta Waliyow-cadde ee gobolka Banaadir, isaga oo u magacabay mid cusub. Su'aallo badan ayaa ka dhashay xil ka qaadista maadaama taliyihii hore uu fuliyey amar maxkamadeed oo ku aadan burburinta qeyb kamid ah dugsiga.
Xudunta kiiska
Kiiska Iskuulka Hoyga Xamar oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee qeyb kamid ah Soomaaliya ka shaqeynaya tan iyo waqtigii dowlad la’aanta ayaa kusoo hagaagay xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur oo dhul boobka badan yahay isla markaana hay’addihii dastuuriga ah uu waqtiga ka dhacay.
Xogaha la helayo ayaa tibaaxaya in ganacsatada ku dhow Farmaajo ee kiiskan ku lugta leh uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cali Axmed, oo ah maamulaha shirkadda HASS Petroleum. Waxaa la sheegay in uu door ku lahaa dhul iyo guri uu madaxweynaha waqtiga ka idlaadey ka iibsaday magaalada Nairobi.
Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in iibinta ay qeyb ka ahaayeen qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo labaduba xiriir dhow la leh Farmaajo.
Mudada afarta sano ee xukunka uu joogay Farmaajo, dowladda Kenya ayaa kamid ahay dalal kale oo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uusan fiicneyn.
Ka sokow in Muqdisho iyo Nairobi ay isku-hayaan dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waramay in uu miiska saarey ajande ku saabsan in Kenya kala shaqeyso sidii maamulkiisa waqtiga ka dhacay gacanta ugu dhigi lahayd Jubaland.
GAROWE ONLINE