Farmaajo oo loo diray fariin la xiriirta shir-madaxeedka Dhuusamareeb
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu qaataa go'aan geesinimo leh oo uu u tanaasulaan danta dalka iyo dadka, sidaas waxaa ugu baaqay siyaasi xilli la isku mari la'yahay shir-madaxeedka Dhuusamareeb.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa sheegay in madaxweynaha ay telefoon u soo dirayaan shaqsiyaad uusan magacaabin, kuna boorinayaan in uusan talaasulin.
"Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook-ga.
Hoos ka akhriso qoraalka
Taageerayaashu kol kol bay madaxda bohol ka ridaan, iyagoo cabsi gelinaya, tusayana guuldaro siyaasadeed. Sidan oo kale ayey sanadkii 2015 dooddi dhexmartay Goodluck Jonathan oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria iyo taageerayaashiisa. Waxay ku qalqal geliyeen in uusan guul ka keenaynin doorashada, sidaa darteedna uu dib u dhigo, laakiin kama yeelin. Waa laga guulaystay, laakiin maanta mudnaan iyo qadarin ayuu ku dhex leeyahay bulshada iyo Dowladda Nigeria.
Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsanyihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban.
Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey.
Madaxweyne go’aan aad berri aqbali doontid, maanta libintiisa ha u diiidin hoggaanka iyo shacabka Galmudug. Madaxda iyo shacabka Galmudug ma aha in ay aqbalaan in daddaalkoodii uu noqdo hal bacaad lagu lisay oo go’aan la’aan shirka lagu kala tago.
Masuuliyiinta kalena ma aha in ay aqbalaan in go’aan la‘aan shirka lagu kala dareero. Go’aan waa in hadda la qaato, waxa la isugu soo laabanayana ay noqdaan fulin iyo farsamo.
Wadahadalada madaxda dowladda federaalka iyo maamula uga socda Dhuusamareeb ayaa wali ah kuwa horudhac u ah shirka guud oo aan la ogeyn waqtiga uu furmayo, waxaana wali la isku fahmi la'yahay arrinta doorashada.
Dhinaca kale, ururada bulshadda ayaa shaaca ka qaadey in shirka Dhuusamareeb uu ka dhaqaaqi la'yahay is-aaminaad la'aan iyo tanaasul, iyagoo walaac ka muujiyey in xaaladaas sii jirto, kana digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta.
GAROWE ONLINE