Farmaajo oo loo diray warqad walwal looga muujiyey xaalada jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Machadka Caalamiga ah ee Warbaahinta ayaa shaaca ka dhigay in ay uu warqad u diray xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadaas oo todobaadkii hore loo qoray xafiiska Farmaajo ayaa looga codsaday in dowladdiisu sidda ugu dhaqsiyaha badan u joojiso xadgudubka wariyeyaasha iyo warbaahinta.

Sidoo kale, waxaa walaac looga muujiyey xaaladaha sii kordhaya ee Hay'adda Sirdoonka iyo Mas'uuliyiinta sar-sarre ay ugu xadgudbayaan wariyeyaasha iyo xorriyadda hadalka.

"Warbaahin madax-banaan la'aan dimuqraadiyad kama sii jireyso Soomaaliya. Guud ahaan warbaahinta waxay daruuri u tahay dumuqraadiyadda gaar ahaan xilli uu dalku wajahay caqabado kala duwan," sidaas waxa warqadda ku yiri Ravi R. Prasad, agaasimaha waaxda ololaha.

Farmaajo ayay cod dheer kaga dalbadeen in uu xaqiijiyo in Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo mas'uuliyiinta dowladda aysan u cagajugleyn wariyeyaasha iyo war-fidiyeenka.

Soomaaliya ayaa haatan ku howlan iska-caabinta safmarka Coronavirus. Sidoo kale, doorashooyin aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo waxaa loo madalsan yahay sanadka 2020-21.

Warbaahinta ayaa laga maarmaan u ah ajendayaashan heerka Qaran, waxaana dowladda madaxweyne Farmaajo lagu sifeeyay "xukuumaddii ugu xumeyd ee soo martay warbaahinta madaxa-banaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM