Farmaajo oo loo jeediyey eedeyn la xiriirta mashruuc uu shalay daahfuray
MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu ka been-sheegay mashruuca Baxnaano, kaasoo shalay uu si rasmi ah uu u daahfuray.
Mashruucaas oo ay ku baxeyso aduun lacageed dhan 1.3 milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah ayaa loogu talagay in lagu taakuleeyo dadka danta yar.
Intii ay socotay munaasabada daahfurka oo Villa Soomaaliya ka dhacday, Farmaajo ayaa xusay in ay tahay "markii ugu horeysay" oo mashruuc noocaas ah ay dowlada Soomaaliya qeyb ka noqoto.
Hase ha ahaatee, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ah ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadaas, isagoo "wax laga naxo" ku sifeeyay in madaxweynuhu uu kari waay in uu ka run sheego mashruuca".
Warar ayaa sheegaya in mashruucaas oo deeqdiisa leeyahay Baanka Aduunka, fulin-tiisana hay'addaha WFP iyo UNICEF uu soo socday kahor inta aysan xafiiska imaan dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.
"Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay," ayuu wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya kusoo qoray Facebook.
Hoos ka akhriso qoraalka
Waa wax laga naxo in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay.
Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro.
Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta haboonayd in ay dawlada ku yeelayo intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ah ka timid, una ekeysiin lahaa in loogu tala galay ka hortaga Karoona Fayris.
Waxa ugu muhiimsan ee guud ahaan hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada kobciya kalsoonida uu shacabka dawlada ku qabo iyo aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo.
Xukuumadda Nabad iyo Nolol ayaa waxay wajaheysaa eedeymo ku aadan in ay isku koobto guusha wax-qabadka dowladihii ka horeeyay marka ay dhameysto mashaariicda ay iyagu lahaayeen bilowgooda.
GAROWE ONLINE