Farmaajo oo maalgelinta Qadar "dab ku qabad-siinaya" Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Damaca madaxweyne Farmaajo ee muddo kororsiga kaasoo ay Qadar riixeyso wuxuu Soomaaliya gelinayaa mustaqbal siyaasadeed oo mugdi ah, sidda uu wariyey wargeyska Al-Ain Al-Akhbariya.

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idkan, Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay hirgelineyso yoolkaan kahor inta aan lasoo magacaabin ra'iisul wasaaraha cusub ee bedelaya madaxii hore ee xukuumada Xasan Cali Khayre.

Qormadda ayaa intaas ku dareysa in Farmaajo uu baadigoobayo ra'iisul wasaare ku aragti ah isla markaana la baadigooba dheereysigaas.

Joornaalka oo sheekadan ciwaan uga dhigay "Isagoo adeegsanaya muddo kororsi, Farmaajo oo ku gubaya Soomaaliya maalgelinta Qadar" ayaa shaaciyey magacyadda mas'uuliyiinta kale ee ku wehliya rabitaankaas.

Waxay kala yihiin; Afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal C/raxmaan, ku xigeenkiisa koowaad, C/wali Ibraahim Muudey, ra'iisul wasaaraha KMG ah, Mahdi Maxamed Guuleed, iyo wasiirka cayaaraha, Khadiija.

Wararka ayaa daaha ka rogaya in Madaxtooyadda Soomaaliya ay ugu yaraan u han-qal taageyso in ay hesho muddo kororsi laba sano ah.

Inkasta oo warbixinta majaladan aysan illaa hadda wali ka jawaabin, haddana Villa Soomaaliya ayaa horey isaga fogeysay eedaha noocaan ah.

Balse, wax shakiga xoojinaya ayaa ah talaabooyinka madaxda qaadeyso oo ay kamid tahay in ay taageereen kalsooni kala noqoshadii Aqalka Hoose ku sameeyay Khayre, arrintaas oo dastuurka "baalmarsaneyd".

Dastuurka ku meelgaarka ah ee waddanka iyo nidaamka xeer-dejinta wuxuu xeerinayaa in wasiirka koowaad xilka looga qaadi karo cod-qarsoodi ah iyo mooshin laga doodey oo ay soo gudbiyeen tirro 50 mudane.

Khayre oo carabka ku dhuftay in ay sharci darro ahayd xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in uu isagu is-casilay, wuxuuna ka digay muddo kororsi, isagoo tilmaamay in ay arrintaas dalka u horseedeyso khal-khal siyaasadeed.

Eryida ra'iisul wasaarihii hore ayaa timid maalmo kadib markii madaxda dowladda iyo maamuladda oo ku shiray Dhuusamareeb ay ku heshiiyeen in ay isugu soo laabtaan kulan kale si ay uga tashadaan nooca doorashadda.

Qaar badan ayaa rumeysan in Farmaajo "lagu go'oodmiyey" shirkaas isla markaana uu waayey taageero la xiriirta damaciisa ku darsiga.

Muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhamaanaya November, 2020, halka madaxweynaha uu ka dhacayo Febraayo, 2021. Shirka Dhuusamareeb 3 hadii looga heshiin waaya nooca coddeynta waa aad mid halis badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM