Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Image

Garoowe, 10 September 2025 – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si cad uga hor timid nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah (E-Visa/ETAS) ee dhawaan ay shaacisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay in Villa Somalia ay ku tallaabsatay wax ka baxsan awooddeeda sharciga ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir, ayaa Talaadadii si adag u dhaliilay nidaamka cusub, isagoo sheegay in maamulka Puntland uu leeyahay xaqa sharciyeed ee la xiriira bixinta fiisaha iyo maareynta garoomada diyaaradaha marka ay timaado socotada ku degaysa dhulka Puntland.

“Waxaan cambaareyneynaa nidaamkan, waa boob ay dowladda Federaalka waddo,” ayuu yiri Diriir. “Ilaa heshiis rasmi ah laga gaarayo, dowladda dhexe ma laha wax sharci ah oo ay ku xakameyso dadka ku soo degaya garoomada dalka.”

Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u daahfurtay nidaamka fiisaha elektarooniga ah 1-dii Sebtembar 2025, iyada oo adeegsaneysa mareeg gaar ah oo loogu talagalay dalabka fiisaha. Mas’uuliyiinta dowladda dhexe ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu fududeyn doono safarka, kor u qaadi doono hufnaanta iyo amniga qaranka, maadaama la doonayo in dhammaan dadka soo galaya dalka ay fiisaha si online ah u dalbadaan.

Hase yeeshee, Puntland oo horey khilaaf ula laheyd dowladda dhexe arrimo la xiriira maamulka garoomada iyo dakhliga kasoo baxa, ayaa tallaabadan u aragtay mid lagu hareer marayo heshiisyada Federaalka.

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah, sida garoomada diyaaradaha iyo kastamyada, isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe in ay isku dayeyso in ay gacanta ku dhigto awoodaha maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin si toos ah dhaleeceynta Puntland, hase yeeshee saraakiisha socdaalka waxay ku adkeysanayaan in nidaamka fiisaha cusub uu muhiim u yahay horumarka adeegyada socdaalka iyo amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM