Farmaajo oo magacaabay taliyeyaal cusub xilli uu walaac culus jiro

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magacaabay saddex taliye, sidda ay Sabtida maanta ah ku warantay Idaacadda ku hadasha afka ciidamadda Soomaaliya.

Sidda ku xusan warbixinta Raadiyaha SNA, Jeneraal Cabaas Aamiin Cali oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamadda dhulka ayaa waxaa loo dalacsiiyey taliye ku xigeenka guud ee ciidamadda xoogga Soomaaliyeed.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa lasoo wariyey in laga dhigay taliyaha Ciidamadda Dhulka oo la aas-aasay sanadkii hore 2019, halka Jeneraal Xuseen Xoosh loo xushay xilka taliye ku xigeenka isla cutubyaddan.

Saraakiishan ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay xilalka kula wareegeen munaasabad ka qabsoontay Wasaaradda Difaaca.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jirto laba xaaladood oo kala ah; walaac amni oo murashaxiinta iyo beesha caalamka ka qabto qaabka halista Al-Shabaab loo maareynayo doorashooyinka 2020-21.

Si lamid ah, waxaa jira walwal kale oo si gaar ah Mareykanka u muujiyey oo ah in xilalkii ugu dambeeyay ee loo magacaabay ciidamadda kala duwan ay ku saleysan yihiin nin jeclaysi "taasoo wiiqeysa dib-u-habeynta lagu sameeyay".

Inta badan madaxda ayaa magacaabid sameysay marka uu gabaabsi ka yahay muddo xileedkooda dastuuriga ah waxaana ay isugu jiraan olole doorasho iyo fulinta balanqaadyo loo sameeyay dhinacyo lug ku lahaa guushoodii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM