Farmaajo oo qiray in ay siyaasadeysan tahay xayiraada tacliinta Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caddeeyay in xayiraada dowladiisu saartay tacliinta Puntland gaar ahaan shahaadooyinka ay siyaasadeysan tahay ayaa dalbaday wadahadal.

Xukuumada federaalka oo lagu eedeeyay in ay mugdi gelisay mustaqbalka arday badan ayaa ku adkeysatay in hadii Puntland aysan gelin Imtixaanka federaal aysan ardaydooda heli doonin shahaadooyinka.

Wallow uu dhinac maray jawaabta saxda ah, Farmaajo ayaa la su'aalay xaqiiqada ku saabsan in dowladiisu siyaasadeyneyso arrimaha waxbarashadda oo maamulada xaq u leeyihiin in maamushaan.

Talaabo u muuqan kareysa ku tagrifal awoodeed iyo mid dastuurka banaankiisa ah, hogaamiyaha dalka ayaa hoos ka xariiqay in mowqifka dowladiisu yahay in gorgortan ay kala galaan madaxda Puntland.

"Walaalkey Saciid Deni, madaxweynaha Puntland dhowr jeer ayaan casuumay oo aan Xamar ku casuumay oo aan ku iri 'walaalow hana dul marin oo bal mar nagu soo dego noo imow aan wada fariisano aan kawada hadalno guud ahaan xaaladaha dalka ka jira oo ay kamid tahay [arrinta waxbarashada]' illaa iyo haddana uma suurtoobin wuxuu ku jiraa safaro dowladahaas deriska ah ama meelo fog-fog, waxaan jeclaan lahaa in uu noo yimaado oo aan wada fariisano," ayuu u sheegay Telefishinka Universal.

Mar wax laga waydiiyey Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-ka March, 2020 ka dhacaya Garowe ayuu ka meermeertay in uu ka dhawaajiyo aragtidiisa iyo in uu jawaabta si toos ah u abaaro.

Maxamed Cabdi Maareeye, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, oo sheegay in ay soo dhaweynayaan kulankaas ayaa rajeeyay in ay kasoo baxaan "arrimo xal u noqda kala aragti duwanaanta".

Xili ka hor-dhigay waydiin kale oo ku saabsan in hogaamiyeyaasha dalka ay madmadow geliyeen masiirka qalinleyda, Farmaajo ayaa yiri "ma ahayn in aan xiligaan ka murano maamul, waxay ahayd tayada".

Puntland oo horey ugu adkeysatay in aysan wadaxaajood ka geli karin arrimo u ogolaanayo dastuurka qabyada ah ayaa ka digtay talaabooyinka dowladda Farmaajo ee "shaqsiyaadka loogu daneynayo".

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo, xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyadda ayaa sii xumaanayey, taasoo caqabad ku noqotay in la hirgelinayo ajandeyaasha heer Qaran ee amniga iyo doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM