Farmaajo oo raaligelin ka bixiyey duulaankii Siyaad Barre ee Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si furan raaligelin kaga bixiyey dhibaatooyinka dowladdii Siyaad Barre kula kacday goboladda waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Isagoo ka hadlayay xiritaanka Shirka Garsoorka Soomaaliya oo ka socday xerada Xalane ee Muqdisho ayuu hadalkaan sheegay, maanta oo Khamiis ah, 13-ka Febraayo, 2020.

"Wixii Wuqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Sistam dowli ah oo markaas jiray, anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaarsiino walaalaheen adinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay," ayuu ku yiri bartamaha hadal-jeedintiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata isla markaana xoojinaya raaligelinta ayuu ku daray "madaxweyne ahaan cudur daar ayaan ka sameynayaa waana ka raali galinayaa dadka dhibku ka soo gaaray nidaamka dowliga ah".

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay jabhadihii la dagaalamay dowladdii kacaanka ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dhankooda bixiyaan raaligelin buuxda si leysku cafiyo.

Hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa imaanaya iyaddoo maalin kahor caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa uu kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland.

Wallow la xaqiijiyey in is-aragu ahaa mid aan horey loosii qorsheyn isla markaana aanu jirin ajande gaar ah, labada dhinac waxay ku qeexeen mid horudhac ah u noqon kara "wadaxaajoodyadda mustaqbalka dhow".

Raaligelin laga bixiyo shacabka ku geeriyooday duulaanka dowladdii kacaanka ayaa kamid ahaa shuruudihii uu maamulka Hargeysa had iyo goor miiska soo saarayey tan iyo markii ay ku dhawaaqeen gooni u goosad 1991-dii.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM