Farmaajo oo saraakiil dhalinyaro ah u magacaabay taliyeyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Milatariga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dirir ayaa bedelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Aadan, kaasi oo laga dhigay Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga. Odowaa wuxuu noqday sarkaalkii ugu da'da yaraa ee xilkan qabta.

Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

"Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Khamiis ah 10-ka, Oktoobar 2019".

Magacaabidan ayaa qayb ka ah dib u habeyn lagu sameynayo laamaha ammaanka wixii ka dambeeyay weerarkii lagu ekeeyay xarunta gobolka Banaadir kaasoo ay xoogaga Al-Shabaab dusha saarteen.

Duqii Muqdisho ahaana gudoomiyaha gudoomiyihii gobolka, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku naf-waayey falkaas oo su'aallo badan oo amniga ah dhaliyay.

Haweenay magaceeda lagu sheegay Basiira Cabdi Maxamed ayaa isku qarixay shir ay lahaayeen madaxda gobolka, kaasi oo haatan laamaha ammaanka ay su'aallo waydiinayaa walaalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM