Farmaajo oo saxiixay sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, kaasoo ay ka hor-yimaadeen maamuladda qaar ee waddanka.

Warqadda saxiixa hogaamiyaha dalka waxaa xafladda xiritaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ka akhriyey ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa caddeeyay in hindise sharciyeedkan uu dhaqan-gal noqon doono marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay "in dalku aadey doorasho" wallow uusan carababaabin nooca ay noqon doonto balse wuxuu intaas ku daray "ha leysku diyaariyo".

Aqalka Hoose oo galaya fasax kooban ayaa qorshuhu yahay in ay dib u soo laabtaan bisha April, waxaana shaqooyinka ugu muhiimsan ee horyaala kamid ah arrimaha doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 waxaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki weyn maadaama aanan illaa iyo haatan heshiis mideysan laga gaarin.

Qodobadda ugu waaweyn ee ku geedaaman doorashooyinka waxaa kamid ah nooca ay noqoneyso maadaama la xusay in aysan noqon karin qof iyo cod, iyadoo laga duulayo amniga iyo Al-Shabaab oo wali maamusho meelo badan.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM