Farmaajo oo ku dhaqaaqay "fal sharci darro ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay todoba xubnood oo kamid noqonaya Golaha Adeega Garsoorka.

Xukuumadda xilka sii-haysa ayaa xubnahaan oo tiradoodu gaareyso todoba kana mid ah sagaalka xubin ee Golaha Adeega Garsoorka meelmarisay bishii November 16-keeda sanadkii 2020-kii.

Sidda ku xusan dukumiintiyo la dusiyey oo caddeynaya saxiixa, madaxweynihii hore ayaa qalinka ku duugay xubnahaan isaga oo tixraacaya go'aanka Golaha Wasiiradda xilka sii haya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka muddo dhaafay ayaa talaabada Farmaajo ku qeexay mid baalmarsan dastuurka qabyada ah iyo sharucuuda dalka.

"Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah," ayuu Mahad Salaad ku daray hadalkiisa.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa rasmiga ah uu idlaadey 8-kii bishan Febraayo, 2021 ayaa, sidda uu xeerinayo dastuurka, wuxuusan lahayn awoodo uu ku saxiixo sharciyo kuna soo saaro wareegto.

Dhismaha adeega Garsoorka oo kamid ahayd qodobadii uu Farmaajo ku balanqaadey hadal-jeedintiisa ololihii doorashada 2016-kii aya u muuqaneysa in uu rabo in uu ololaha soo aadan ku galo.

Hoos ka daalaco qoraalka saxiixa

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM