Farmaajo oo wacay Amiirka Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaa fiidnimadii Axada waxaa telefoonka kula soo xiriiray madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, sidda uu wariyey The Peninsula Qatar.

Wadahadalkan ayaa yimid xilli khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya uu heerkii ugu sareeyay gaarey isla markaana maamulka Farmaajo ku adkeysanayo qabashada doorasho la isku hayo.

Qodobada ugu weyn ee la isku hayo waa guddiyadda maamulaya coddeynta iyo ciidamadda ay dowladda sidda xooga ah kula wareegtay gobolka Gedo.

Sidda ku xusan warbixinta, intii wada-sheekeysiga telefoonka uu socday, labadda hogaamiye ayaa dib-u-eegis kus ameeyay xiriirka laba geesoodka ah, qaabka lagu horumarin karo, xaalka Soomaaliya iyo qadiyada ay wadaagaan.

Xukuumadda Dooxa oo tan iyo markii Farmaajo la doortey Febraayo 2016 uu xoogeystay galaan-galkeeda wadankan dhaca Geeska Afrika ayaa mar kale waxay xusul-duub ugu jirtaa in ay ka shaqeyso soo laabshada Farmaajo.

Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya oo xiriir dhow la leh Qadar, ayaa la aaminsan yahay in uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga Murashaxiinta, maamuladda iyo odayaasha dhaqanka oo si weyn u naqdiyey xubnaha la duray garsoonimadooda ee dowladda ku darsatay guddiyadda ayaa codsaday in meesha laga saaro ama la kala diro.

Kadib shir shan maalin ah oo Muqdisho ay ku yeesheen, Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay Fahad Yaasiin in uu shaqada ka tago, halka Farmaajo ay ku booriyeen in uu xaqiijiyo dhexdhexaadnimadda hay'adda sirdoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM