"Farmaajo oo wareeriso ku xiray Biixi waxaa laga horkeenay ila meereyso"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sharci-dejiye Mahad Maxamed Salaad ayaa ku biiray xubnaha ka falceliyey hadalheynta xoogan ee ka dhalatay safarka la sheegay in uu Farmaajo ku tegayo Hargeysa.

Xildhibaankaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si ka duwan siyaasiyiinta kale aragtiisa uga dhiibtay doodaan wali taagan, isagoo adeegsanaya erayo cajiib ah.

Mudanaha oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa qormadiisa ciwaan kaga dhigay: "Is-xambaarkii Abiy Axmed, Igu sawirta Farmaajo iyo Ila meereysada Muuse Biixi".

Mahad, oo degaan doorashadiisu tahay Galmudug, ayaa muujiyey in Farmaajo iyo Abiy ku fashilmeen inay si lama filaan ah uga degaan Hargeysa si ay dhibco siyaasadeed uga helaan halkaas.

Hadalheynta safarka madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa timid markii Farmaajo iyo Biixi ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa kadib shir-madaxeedkii Midowga Afrika.

Illo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in kulanka labada madaxweyne uu kasoo shaqeeyay Abiy isla markaana uu ahaa mid uusan ku talagelin hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad

ISXAMBAARKII ABIY AXMED, IGU SAWIRTA FARMAAJO IYO ILA MEEREYSADA MUUSE BIIXI

Madaxweyne Farmaajo heshiis uguma socon reer Somaliland, hadii uu xaldoon yahayna mar hore ayuu cayda iyo cunaqabateynta ka deyn lahaa dadka reer Somaliland, maantana dad iyo deegaan uu abaal ku ergaday ayuu u tagi lahaa, IGU SAWIRTA UU RAADINAYANA maalmo ayuu ku moodi lahaa!

Lkn nasiib wanaag, isxambaarkii Abiy Axmed ku qaadi lahaa Farmaajo wareeriso ayuu ku xiray Muuse Biixi oo ila meereyso ayuu ka hor keenay. Madaxweyne Farmaajo haloo sheego marka aad la ciyaarto waayo arag 80 jir ah adiga oo sir isleh ciyaartu sidan ayay ku dhamaataa 4 - 0 (afar iyo eber)!

Hon. Mahad Salad


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM