Farmaajo oo weeraray maamuladda kahor shirka Dhuusamareeb 3
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu khudbad ka jeediyey fadhi aan caadi ahayn oo uu ka codsaday xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah.
Kulankaan ay soo xaadireen 184 mudane waxaa guddoomiyey afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Labadiisa ku xigeen ee koowaad iyo labaad waa ay ku wehliyeen shirka.
Furitaanka kadib, Farmaajo oo lagu wareejiyey cod-baahiyaha ayaa uga mahadceliyey golaha "wax-qabadkooda"; wuxuu xusay in ay ka wax-qabad wanaagsan yihiin baarlamaanka 9aad.
Kahor inta uusan u guda gelin arrimaha doorashooyinka, Farmaajo ayaa sheegay in dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka horey heshiis uga gaareen coddeynta, balse maamulada ka baxeen.
Shirarkii London, Brussels iyo Baydhab ayuu tusaale ahaan u soo qaatay, isagoo aanan soo qaadin fashilka dowladiisa ee halbeegyadda lagu aadi karo doorasho qof iyo cod oo ammaanka ugu horeeyo.
Farmaajo ayaa qiray in mudadii uu socday shirkii Dhuusamareeb 2 ay maamuladda qaar "aad ugu dhageen doorasho lamid ah tii 2016-kii," isla markaana madaxda dowladda federaalka ku adkeysteen doorasho "waafaqsan sharciga doorashooyinka" oo ah qof iyo cod.
Intii uu hadal-jeedinta wadday, Farmaajo ayaa u muuqdey in uusan waxba iska bedelin mowqifkiisa qabashada doorasho qof iyo cod ah, arrintaas oo ah qodobka ugu weyn ee looga doodayo Dhuusamareeb 3.
Tani ayaa calaamad su'aal gelineysa natiijada Dhuusamareeb 3 kaasoo qorshuhu ahaa in uu maanta ka furmo caasimadda Galmudug, balse la xaqiijiyey in uu dib u dhac ku yimid.
Wadahadalka arrimaha doorashooyinka iyo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro coddeynta ayuu hoosta ka xariiqay in ay muhiim u tahay dimuqraadiyadda, wadajirka iyo horumarka dowladnimadda dalka.
Max-suulka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb ayuu cod dheer ku rajeeyay in uu noqdo mid xoojiya dowladnimada Soomaaliya, kana soo baxaan go'aano "awooda dib loogu celinayo rayidka".
Golaha Shacabka ayuu u balanqaadey in uu kusoo celin doono go'aan kasta oo kasoo baxa wadahadalka lagu balansan yahay ee Dhuusamareeb 3, wallow aan la muddeyn xilliga ay bilaabanayaan.
Sikastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu isla maanta u dhoofo Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo wejiga saddexaad ee Dhuusamareeb 3, kaasoo ay si weyn isha ugu hayaan daneeyeyaasha.
GAROWE ONLINE