Farmaajo iyo madaxda taabacsan oo ka degay Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Inta badan hogaamiyeyaasha ka qeybgalaya shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda ee arrimaha doorashooyinka 2020-21 ayaa gaarey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish, ayaa caawa ku hooyanaya magaala madaxda dowlad goboledka Galmudug.

Badi madaxda maanta ku horumartay Dhuusamareeb ayaa ah madaxda taabacsan aragtida Famaajo ee doorashooyinka 2020-21, waxaana ay u muuqdaan kuwa si gaar ah isku-arki doona.

Hogaanka Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa la filayaa in ay maalinta berri ah ku biiraan madaxdan.

Ilaaladda gaarka ah ee Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaarey Dhuusamareeb markii ay diyaarad gaar ah kasoo qaadey Kismaayo.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladda ka socda howlgalo qorsheysan oo lagu adkeynayo nabad-gelyadda caasimadda.

Shirka ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 1-da Febraayo oo maalinta ku beegan, balse waxay u muuqataa in uu dib uga dhacay loona badinayo in uu si rasmi ah u bilaaban doono ugu yaraan 3-da Febraayo oo lasoo gabagabeyn lahaa.

Qodobadda ugu culus ee miiska saaran ayaa kala ah; ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo, xulista wakiiladda Somaliland iyo guddiyadda doorashooyinka ee Villa Soomaaliya ay faragelinta ku sameysay.

Midowga Musharaxiinta oo qoraal soo saarey kahor furitaanka shirka ayaa dalbadey in madasha la balaariyo ayna ka qeybgalaan iyo in uu ku biiro afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayay cod dheer uga digeen in uu isku dayo "khilaaf uu ka dhex-abuuro shirka si uu marmarsiyo ugu helo fekerka muddo kororsiga".

Wadahaladan qabsoomaya waxaa kasoo shaqeysay Beesha Caalamka oo ka dooneysa madaxd Soomaalida in ay is-afgarad ka gaaraan is-faham-waaga doorashooyinka kahor 8-da Febraayo oo waqtiga ka dhacayo dowladda Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM