Farmaajo: Wadajirkii iyo midnimadii Soomaaliya ayaa halis gashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digaya khataraha ay keeni karto marxaladda hadda jirta. War-saxaafadeedkaas, Farmaajo wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay gashay xaalad siyaasadeed oo halis ah, taas oo sababi karta dib u dhac siyaasadeed, dhaawac ku yimaada midnimada dalka, iyo qalalaase siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara amniga guud ee dalka.

Farmaajo ayaa marar badan ka digay in wax-ka-beddel aan la dhammeystirin lagu sameeyo Dastuurka, taasoo uu sheegay inay dhaawici karto sharciyadda hay'adaha dowladda iyo isku xirnaanta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka la eego in dastuurka uu yahay saldhigga kaliya ee ay ku dhisan tahay dowladnimada iyo wadajirka dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada, iyo guddiyada doorashada ay yihiin arrimo muhiim ah oo ka dhexeeya hay'adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada, iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda. Waxa uu si culus ugu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku adkeysanayo in uu qabto doorasho kaliya oo isaga ka go'an, taasoo aan ka tarjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka. Farmaajo ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto dib u dhac iyo qalalaase siyaasadeed.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax ka baddal Dastuurka iyo qabashada doorasho aan Puntland, Jubaland, iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka ka qayb qaadan ay muujinayso in madaxda hadda talada haysa aysan tixgelin ku siinayn wadajirka iyo midnimada dalka, balse ay doorbidayaan danahooda gaarka ah.

Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka fiirsado tillaabooyinka uu qaadayo, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo ka hortagga qalalaase siyaasadeed. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in Dowlad Goboleedyada, madaxda hore, iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka ay iska kaashadaan sidii loo gaari lahaa wadatashi qaran oo looga gudbi lahaa xaaladda adag ee siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM