Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Image

MUQDISHO — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu mudnaanta siiyo dhisida nidaam doorasho oo loo dhan yahay kahor inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa, isagoo sidoo kale dalbaday in la sii daayo wariyeyaal iyo dad rayid ah oo xiran.

Bayaan uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in maalmaha kooban ee ka harsan muddo xileedka dowladda federaalka ay tahay in lagu dadaalo dhismaha hannaan doorasho oo ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Wuxuu uga digay in khilaafaadka siyaasadeed iyo maqnaanshaha heshiis doorasho ay horseedi karaan xasilooni darro iyo kala qeybsanaan hor leh.

“Mudnaanta waa in la siiyaa wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale cambaareeyay xarigga wariyeyaal iyo xubno rayid ah oo la xiray toddobaadyadii lasoo dhaafay xilli ay jireen xiisado siyaasadeed, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka, isagoo sheegay in dalka uu wajahayo halis ku saabsan “nidaam keli-talisnimo”.

Bayaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo ay toddobaadyo kooban ka harsan yihiin waqtiga la filayo inuu ku egyahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15-ka May 2026, halka weli aysan jirin heshiis siyaasadeed oo buuxa oo ku saabsan nooca doorashooyinka soo socda.

Xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashada iyo amniga ayaa sare u kacayay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay isku maandhaafsan yihiin hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM