Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu jebiyay dastuurka Soomaaliya, islamarkaana uu tallaabooyin khatar gelinaya midnimada iyo xasilloonida dalka qaaday.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka, gaar ahaan qodobbada 87aad, 50aad, 92aad, iyo 65aad, oo dhammaantood ka hadlaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo hogaaminta siyaasadda dalka. Farmaajo wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xasan Sheekh in uu ku socdo jid hal dhinac ah, taas oo sababi karta kala qeybsanaan iyo khilaaf siyaasadeed oo u horseedi kara xaalad amni darro.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale cambaareeyay isticmaalka hantida qaranka iyo hay’adaha dowladda si siyaasadeed, isagoo sheegay in loo adeegsaday urur gaar ah, isla markaana si sharci darro ah loo isticmaalo ciidanka, warbaahinta qaranka, iyo shaqaalaha dawladda. Farmaajo ayaa ku taliyay in hantidaas ay tahay in loo adeegsado danta guud, si loo hubiyo in dalka uu ku socdo dariiq sharci ah oo cadaalad ah.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib uga laabto tallaabooyinkaas halis ah, isla markaana uu soo celiyo wada shaqaynta iyo wadajirka siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga Qaran, si loo hubiyo in dalka uu ka baxo xaaladda khilaafka iyo khatarta ku gadaaman. Waxa uu sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka in ay la shaqeyso dowlad-goboleedyada aan weli ka qaybgalin Madasha Wadatashiga Qaran, si loo helo doorashooyin loo dhan yahay.

War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo saameyn ku yeelan karta geedi-socodka doorashooyinka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM