​Farole oo hambalyo u diray madaxda maamulka Hir-Shabeelle [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa madaxweynaha Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare Federaalka ayaa hambalyo u diray madaxda maamulka cusub ee Hir-Shabeelle kadib mar uu maanta khadka Taleefoonka kaga qayb galay xaflad caleemo saar oo ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Farole, ayaa sheegay inuu bogaadin u dirayo madaxda la doortay isagoo kula dar-daarmay inay noqdaan rag kasoo baxa arrimihii loo igmaday, wuxuuna aad ugu dheeraaday sidii looga shaqayn lahaa isu soo celinta shacabka Somaliyeed, isagoo ka codsaday inay noqdaan maamul isu soo dhaweeyay dhammaan bulshada ay masuulka ka yihiin gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada ay ka taliyaan iyo gobollada ka agdhow.

Murashaxa ayaa sidoo kale xusay in maanta Somalia u baahantahay sidii looga saari lahaa dhibka mudada dheer ay ku jirtay, wuxuuna dhammaan maamullada waddanka ka jira ugu baaqay inay si wadajir ah u xalliyaan khilaafaadka jira.

Arrintan magaalada Galkacyo, ayuu soo hadal qaaday, isagoo dhinacyada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii xaaladda xarunta gobolka Mudug loo dajin lahaa, wuxuuna sheegay in aan maanta loo baahnayn colaad iyo dhiig ku daata gobolka.

Farole, ayaa hadalkiisu qayb ka ahaa mas'uuliyiin badan oo ugu horeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday kuwaasoo lagu casuumay inay ka qayb galaan caleemo saarka madaxda maamulkaas oo la doortay todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM