Farole oo tacsi ka diray geerida Xaaji Axmed Saalax

Image

24 August, 2015 (GO)- Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa tacsi u diray allaha u naxariistee Xaji Axmed Saalax Shirbeeyo oo ku geeriyooday magalada Hargaysa.

Farole ayaa sheegay marxuum Shirbeeye inuu ka mid ahaa ganacsatadii ugu waa weynayd ee Hargaysa xilligii dalka ka talinaysay dowladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Waxa uu madaxwaynuhu tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Xaaji Axmed, sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa shaqsi miisaan leh oo saaxibo dhow ahaayeen.

Xaaji Axmed ayaan kasoo jeeday Gobalka Sanaag gaar ahaan magalada Baran, waxana lagu wadaa in lagu aaso saacadaha soo socda Hargaysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM