Farqiga heshiisyada doorasho ee Muqdisho iyo DhuusamareebIII

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa aakhiritaankii waxay qalinka ku duugeen heshiis doorasho oo ku wajahan doorashooyinka nagu soo fool leh ee dhamaadka 2020 iyo horaanta sanadka 2021.

Go'aanadan wada ogolka ah ayaa kasoo baxay kulamo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ay madaxdu ku yeelatay magaala madaxda Muqdisho gaar ahaan Aqalka looga arimiyo waddanka ee loo yaqaano Villa Soomaaliya.

Kulamadan ka qabsoomay Muqdisho ayaa soo deg-degay markii Puntland iyo Jubaland ay si wadajir ah u diideen natiijadii qabyada ahayd ee Dhuusamareeb3 oo u muuqdey mid ka qoslinayey Madaxtooyada Qaranka.

Beesha Caalamka ayaa damaad-qaadeyaal ka ah dhaqan-galka heshiiska cusub kaasoo u muuqda mid ka duwan max-suulkii caasimada Galmudug kadib shirkii halkaas ku dhexmaray Farmaajo iyo madaxda taabacsan.

Hadaba, warsidaha Garowe Online wuxuu kusoo bandhigayaa is-barbardhig la xiriira labadaan heshiis si gaar ah qodobada ay ka mideysan yihiin, kuwa ay ku kala duwan iyo qodobadii meesha laga saarey ee lagu doodey.

Sidda laga soo xigtay war-murtiyeedka shirkii Muqdisho, go'aanada cusub ayaa ku saleysan isbedel lagu sameeyay natiijadii DhuusamareebIII.

Go'aanada heshiiskii Dhuusamareeb3

In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)

In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.

In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.

In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu

In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.

In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.

In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.

In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.

In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.

In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.

Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.

Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.

In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka

Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.

Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

Go'aaanada heshiiska Muqdisho

In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.

In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.

In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay'daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.

Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.

Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.

Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Sikastaba, talaabada kaliya ee ka xigta dhaqan-galka heshiiska cusub waa ansixinta baarlamaanka federaalka, kaasoo hadii aysan daaha gedaashiisa ka amrin Villa Soomaaliya meelmarin doona si waddanka isu diyaariyo doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM