Farqiga u dhaxeeya howlgalka ATMIS iyo midka badalaya ee AUSSOM

Image
Ujeedka howlgallada hore iyo kuwa soo socda ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalal dhowr ah ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007-dii, waxaana ay ka billaabeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ka hor inta aysan howlgalka iyo magacaba 1-dii April 2022 u beddelin howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Muddo xilkeedka howlgalka ATMIS wuxuu dhamaanayaan dhamaadka sanadkan. Muddo 17 sano ah, howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka caawiyay la dagaallanka Al-Shabaab.

Ujeedka howlgallada hore iyo kuwa soo socda ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo in ay soo afjaraan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa hawlgalkii saddexaad ee taageerada nabadda, kaas oo bilaabmaya 1-da Jannaayo, 2025-ka, markaasoo hawlgal cusub oo ah, Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), uu beddelo ATMIS.

Sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Agoosto, ATMIS ayaa hoos u dhigaysay ciidamada oo ahaa qiyaastii 20,000 ilaa in ka yar 13,000.

Hawlgalka cusub ee loo garan og-yahay AUSSOM ayaa la filayaa inuu noqdo ugu yaraan 12,000. AUSSOM waxaa loo qorsheeyay inay shaqeyso ilaa dhamaadka 2028.

Soomaaliya ayaa AUSSOM ka reebtay Itoobiya. Ma ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay diido ku lug lahaanshaha ciidamada Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya. Go'aankan ayaa wuxuu salka ku haayaa xiisada ka dhalatay is-fahamka ay Addis Ababa la gashay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM