Farqiga u dhaxeeya howlgalka ATMIS iyo midka badalaya ee AUSSOM

Image
Ujeedka howlgallada hore iyo kuwa soo socda ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalal dhowr ah ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007-dii, waxaana ay ka billaabeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ka hor inta aysan howlgalka iyo magacaba 1-dii April 2022 u beddelin howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Muddo xilkeedka howlgalka ATMIS wuxuu dhamaanayaan dhamaadka sanadkan. Muddo 17 sano ah, howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka caawiyay la dagaallanka Al-Shabaab.

Ujeedka howlgallada hore iyo kuwa soo socda ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo in ay soo afjaraan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa hawlgalkii saddexaad ee taageerada nabadda, kaas oo bilaabmaya 1-da Jannaayo, 2025-ka, markaasoo hawlgal cusub oo ah, Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), uu beddelo ATMIS.

Sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Agoosto, ATMIS ayaa hoos u dhigaysay ciidamada oo ahaa qiyaastii 20,000 ilaa in ka yar 13,000.

Hawlgalka cusub ee loo garan og-yahay AUSSOM ayaa la filayaa inuu noqdo ugu yaraan 12,000. AUSSOM waxaa loo qorsheeyay inay shaqeyso ilaa dhamaadka 2028.

Soomaaliya ayaa AUSSOM ka reebtay Itoobiya. Ma ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay diido ku lug lahaanshaha ciidamada Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya. Go'aankan ayaa wuxuu salka ku haayaa xiisada ka dhalatay is-fahamka ay Addis Ababa la gashay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM