Fartaag oo shaaciyey waqtiga lasoo dhisayo Barlamanka

Image

January 18, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag ayaa shaaciyey waqtiga sida rasmiga ah loo dhisi doono golaha Barlamanka ee Jubaland.

Fartaag oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa dib magaalada Kismaayo ugu soo laabteen, wuxuu sheegay in maalinta Talaadada ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay January 20, 2015 lasoo dhameystiri doono xulista Barlamanka. 

Xafladda daah furka wuxuu sheegay in kasoo qayb geli doonaan mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka Jubaland iyo wufuud kale oo ka socota Dowlada Federaalka iyo IGAD.

Dhanka kale, wuxuu si kooban uga warbixiyey safaro madaxda maamulka Jubaland labadii bilood ee lasoo dhaafay ugu maqnaayeen dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Wuxuuna sheegay in safaradaas natiijo wax ku ool ahi kasoo baxday, isagoo intaas raaciyey in arimiha mas'uuliyiinta Jubaland kala soo hadleen madaxda dalalka deriska ugu muhiimsaneyd xoojinta amniga gaar ahaan sidii al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo shalay waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa mar wax alga weydiiyey qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada, wuxuu sheegay in dowladu shuqul ku lahayn balse ay tahay arin dhaqan laguna saleeyey deegaanada iyadoo tixgelinta koowaadna la siin doono beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM