Fartaag oo shaaciyey xilliga shirka

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa beeniyey warar laysla dhex marayo oo sheegaya in shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinku waqtigii loo qabtay dib uga dhici doono.

Fartaag ayaa shaaciyey in maalinta Talaadada ee bisha September ay 16-ka tahay shirku furmi doono, isagoo intaas raaciyey in la diyaariyey goobta uu shirku ka furmayo iyo weliba goobaha loogu tala galay in ergooyinka la dejiyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo magaalada Nairobi ku sugan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay magaalada Kismayo soo gaaraan.

Wufuud tira badan oo ka socota qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa maalmihii u dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey, qaar kalena waxaa la filayaa in 48-da saac ee soo socota ay ku yimaadaan.

Qabanqaabada shirka ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan magaalada Kismaayo, boorar iyo hal-ku-dhigyo nabadeed ayaa jidadka iyo meelaha dadku isugu yimaadaan lagu dhejiyey, ammaankana si weyn ayaa loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM