Fayruska Corona oo go'doon iyo heegan sarre geliyey xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo mas'uul ka ah ammaanka xerada Xalane oo fariisin u ah safaaradaha shisheeye iyo diblumaasiyiinta, ayaa joojiyey dhaqadhaqaaqii xerada.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay in go'aanka uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 29-ka Maaj, sanadka 2020.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in go'aankaas uu la xiriiro ka hortagga faafitaanka fayruska faraha ba'an ku haya aduunka ee Coronavirus.

Go'aankaas ayaa lagu wargeliyey safaaradaha, xafiiska Qaramada Midoobay iyo qandaraasleyaasha xiriirka la leh Dowladda Soomaaliya.

"Sikastaba, adeeg-bixiyeyaasha laga maarmaanka ah, iyaddoo loo eegayo hadba sidda ay xaaladu tahay, waxaa loogu ogolaan doonaa in ay galaan sadhiga shuruudo cayiman," ayaa lagu yiri warqadda.

Talaabadaas ayaa timid xili Jimcadii la xaqiijiyey in shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay laga helay Covid-19 markii uu soo maray wadamo uu cagta mariyey caabuqaas dunida ku dilay 30-kun oo ruux.

UNSOM ayaa sheegtay in ay bukaanka oo si gaar ah loo karan-tiilay la waydiinayo su'aallo la xiriira suurtalganimada hadii ay jiraan dad kale oo uu la kulmay.

Wasaarada Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisaska cudurka ee laga helay gudaha waddanka ay haatan marayaan saddex isla markaana dadka laga baarayo ay tobanaan gaarayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM